Deeq A. Posted November 25, 2019 Guddiga doorashada Galmudug ayaa maanta shaaciyey jadwalka doorashada madaxweynaha iyo mida baarlamaanka ee maamulkaasi. Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in 29 November illaa 09 December la soo xuli doono xildhibaanada cusub, 10 illaa 12 December-na la howlgelin doono baarlamaanka, halka 13-16 December la dooran doono guddoomiyaha baarlamaanka. Ugu dambeyntii guddiga ayaa xusay in doorashada madaxweynaha la qaban doono 17 illaa 23 December ee sanadkaan 2019-ka. Halkan hoose ka akhriso: View the full article Share this post Link to post Share on other sites