Paragon Posted October 8, 2009 No personal attack please No character assassination. Let's keep it civil, fadlan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
UZTAAD Posted October 8, 2009 maya yaan thread cusub la furin waa in garta meesha lagu kala gooyaa, gari lama nin ka wada qosliso ayaa layiri labada nin waa in mid xaal iyo wax lagu xukumaa. aaway raggeedii bahasha. Quote Share this post Link to post Share on other sites
MZanzi Posted October 8, 2009 Zinki ma murleeyba misa laba xaniinyood horta? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted October 8, 2009 Originally posted by NASSIR: waxaa ka muuqata maangaabnimada lagu yiqiin iyo hablaha oo ay si xun ula dhaqmaan. Nassir, Avatar meesha kuugu jira eed caabudo iyo cayda aad kor ku soo qortay wax is qaban kara maaha. Ninka aad caabudo hadh iyo habeen ku seexato waa reerka aad farta ku mudi ee saas ula soco. Teeda kale A&T nin bay is hayaan isu dhaaf, aan ka ahayn si dhex taal ah u haddal oo reerka dhan eed af lagaadaynayso ka foo jugnow kaluun bakhtiyay boobow Quote Share this post Link to post Share on other sites
Zinki Posted October 8, 2009 ^^Ah Jamal,telling the truth is no character assasination. But you are right on one point. AT&T should not character assasinate women by lying about them .That my friend should concern you more than telling the boy a one or two sentences of mere truths. Civil enough for you? Edit* Waryaa Fufu,furuq haku dilee maxaad tiri Quote Share this post Link to post Share on other sites
MZanzi Posted October 8, 2009 jafe ninyoho adiga ina'adeer jiro ayaa tahay ee hoosha halkaa ka wad sida nuune kale haku eekan ninka laiskugu wada tagay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted October 8, 2009 Horta dumarka iyo ka sheekeyntooda meesha inooga saara. Kolkaa ka dib raggu foodda ha is daro. Meesha waxaan u joognaa waa a good fight. So don't disappoint us. Zinky, yes very. The warning is universal to all. Not just you, ninyow. Kolka sharaab qaboow iska cab. EDIT........... NASSIR, Fufu iyo Jafe....ka dhex baxa Hunguri iyo AT&T. No eex. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hunguri Posted October 8, 2009 Jamaal, waxba ku darsan maayo iyo raggu ha isku xiiqqaan maaha wax is gala. Ama thread-ka waxba hakkusoo qorin, oo iska akhriso. Ama hadalku meeshuu leeyahay dhig. Jafe, adiga iyo Nassir isku frequency ayaad ka hadlaysaan. Markaa, 2deenu thread cusub waad furan kartaan. Xiin, Hadalku meeshu ka ooyayo ku dhiffo. Sida ninkaa Uztaad hadalka u dhigayna. Gartu laba nin kama wada qosliso. Markaa, wixii fakkarkaaga ah oo aan eex lahayn ka dhiibo. Aniga iyo A&T ayaa iskusoo hadhnay. A&T anigu Garta ma gooyo, laakiin nin Gartiisa iyo hadalkiisa akhrista ayaan ahay. Markaa, Fallaadhi Gilgilasho kaagama hadhee. Waxaad hayso, waaloo joogaaye soo daa. Markastana, waan ku xusuusinayaaye. Hadalku yaanu 2deena dhaafin. Haween, Islaamo, Dameero, Xabashi, waxaasoo dhan meel iska dhig. Suaalahyga ka jawaab, kadibna hadal-kaaga oo xalaal ah, oo huffan soo qoro. Waxaan kaga baxayaa, hadal waa : (1) Dan Waana, kan Xeer-beegta Somaliyeed, ka taliso kana hadasho (2) Dood Waakan, wax Garadka Somaliyeed iyo Dadka caqliga lihi, ama xikmadu ku dheehantahay, ka hadlaan. Hufnaan iyo Haasaawe wanaagsanna ku dhamystaan (3) Idaali ama ijjiid aan ku jiidee Waana, kaas A&T SOL la dhex joogo. Oo hore ayayba rag aniga iga horreeyey isugu xiiqqeen. Waxaan kusoo koobayaa, Hal abuurkii iyo Xikmadii Somalidu lahayd, ee ahayd! (Ceesaantii mas iyo kood, madax shabeel ursattay. Malageedii baa galay ) Xeer-beegta, ayaan sugayaa! Nabaday! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Alle-ubaahne Posted October 8, 2009 A&T walee waala hayaa maanta. Su'aasha uu Zink weydiiay aniguba wey igu jirtay....tollow muxuu ku jawaabi doonaa A&T! Laakiin waxaan qirayaa inuu xariif yahay, kun jeer ka xariifsan Ngonge markeey timaado dumar iyo shukaansigooda. Waxaan kala garan la'ahay labadooda midka la yiri dumarka wuu u heesaa had iyo jeer. Horta darinta aan dhinac kasoo fariistee, dulucda doodu maxay tahay? Quote Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted October 8, 2009 Ileen Xiin wa ruuntiisa. Sheekado waxay o baahneed in aan ka yara maqnaado. Wataa isko qaraxday! Talo ma anay iga xishoonayiin? Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted October 8, 2009 ^LoL Aaryaaraheen, meesha maxa ka dhacay? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted October 8, 2009 Jamaal, waxba ku darsan maayo iyo raggu ha isku xiiqqaan maaha wax is gala. Ama thread-ka waxba hakkusoo qorin, oo iska akhriso. Ama hadalku meeshuu leeyahay dhig. Hunguri, waxba ku darsan maayee ha isku xiiqqaan wax khalad oo ku jira maleh, adeer. Qodob iga mamnuucaya inaan iraahdo yaanan la af-xumaanin afkana samaystana ma jiro, ninyow. Dib isugu noqo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hunguri Posted October 8, 2009 Ok Jamaal, Adeerkiis aniga wixii igaga kaa beegan. Xaal ka qaado. Anshaxa iyo maamuuskana waad ku saxsantahay. Laakiin, raggu ha isku xiiqqo ayuun baan diiday. Jamaal, 100 kiiba 100 adigu halkaas raali ku ahoow. Mee raggii kale ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted October 8, 2009 Mar labaad aan ku noqdo Gartu waxay u dhexeysaa Hunguri iyo A&T Hunguri siduu garta isku siinayyo uma gar laha, laakiin waa laga gardaranyahay lets not dramatize this gar ikhyaarta Xukun & Xaal marin: Nin nool ninkii si calan ah geeri aan jirin ugu sheega, maxaa xeer ka ahaa? Ninka dumarka [ammaan iyo cay ba] sheeka rag ku dara, maxaa iyanna xeer ka ahaa? Haddaan xeer hore jirin, haddaan mid cusub samaynaynaa. A&T, maahmaahdii aan postigayga hore ku sheegay buu aqrisan dabadeedna garta wuu qaadan ee hala sugo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted October 8, 2009 War horta Jaffe iyo Nasir garta ha ka baxaan saa eex beey meesh keeneen. Jamaal iyo Nuune banaanka ha ka dhagaystaan, haddaysan wax ku garsanayn. Xiin iyo Oodweyne rag culus baa timiin, marka la wareega oo geedda naga gooya. Quote Share this post Link to post Share on other sites