Hunguri Posted October 7, 2009 Bismillahi Rahmani Rahiim, Waxaan thread-kan u furay, dadka dhaqqan-ka Somaliga ee dhabta ah iyo Dooda huffan iyo kaftankii ama haasaawihii Somalidu dhaqqan u lahayd wax ka garanaya. Waxaay dulucdani ku socotaa ninka la yidhaahdo A&T. Somalidu waxay ku maahmaahdaa. Sadex nin lalama doodo: (1)Rabbi ma yaqqaan (2)Rag ma yaqqaan (3)Run ma yaqqaan A&T waa Rabbi yaqaan, oo waa nin Somali ah oo Muslim ah. Laakiin, waa (Rag ma yaqaan) Taasna, waxaa kuu caddanaysa. Waligay ma arag intaan jiray, nin Qoodh iyo Xeraale ah, ama dhaqqan-ka iyo sharafta Somaliyeed yaqaana, oo intuu Dood ama duluc dhan furto: (1)Rag ku habaara (2)Xididnimo, iyo Kalgacal sharaf iyo naamuus ku dheehan yahay oo Rag iyo Haween u dhexeeya, maxfal ama shir kaga sheekkeeya (3) Haween marwooyin ah, waaba haddeey run tahay siduu hadalka u dhigaye, intuu duluc u furto ka hadla, iyadoon loo dirsan, ragna hadalku halkaa ka joogin. Hadaba, anigu Hunguri ahaan. Hadalkayga iyo Haasawahaygu ma dhaafsiisnayn inaan A&T ku sheegay, nin wax u dhimanyihiin ama waalan ama yare laga fiicanyahay. Somalidu waxay ku maahmaahdaa: "Hadal nin wayn ka dhacay, waa Geed Qolofi ka dhacday" Anigoo, marnaba Hiddaha iyo dhaqqanka Somaliyeed dhaafin. Ayaan, waxaan hadalkayga u yeelay summad. Laakiin, A&T nasiib xumo tuu keenaaba tii kale kasii daran. Waxaan, hadalkayga kusoo koobayaa. A&T 2 suaalood ka jawaab. (1) Maxaa kugu kallifay inaad Thread ama Duluc dhan intaad furitid aad nin Qoodh iyo Xeraale ah oo waliba nool ku habaartid (2) Maxaa kugu kallifay sheeg-sheega ama sheekkada aan laguu dirsan, oo ah xidid ama Gacal uu sharaf iyo naamuus ku dheehanyahay oo 2 Ardaa oo Somali ah u dhexeeyey. Gabgabo:- Waxaan, hadalkayga kusoo koobayaa. Labo ama 2 Geerida ayay ku roontahay: (1) Wanka Wayn ee xerada reerka ugu jira (2)Doqqonta Fiirada taqqaan Hunguri! Quote Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted October 7, 2009 Haahay. Sax. Add iyo aad. Xaga ka wad. Lakin Jamaal iyo qaar kale la laalooshay yaanay ku gaadin, saaxib. ** Sits back sucking on his tooth pick and giving A&T accusing looks ** Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted October 7, 2009 Hunguri, cunaha la seexo AT&T sidii rati la dabrayo, laakin ratigu mar buu baxsadaa yuusan ku hardin wuu haraati kululyahay AT&T qonof iyo sinsaaro la iskula galangalan doono ayaan u jeedaa, lootadu wey danbeyn, hobseydka ha la iska ilaaliyo laakin Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted October 7, 2009 Gabayga iyo alaabta Hunguri loo soo tirin ayaan la sii yabanahay... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qandalawi Posted October 7, 2009 ^LOL Waxaan ma garbaa mase waa dagaal waxa udhaxeeya nimankaan? Garta yaa dhaxdhaxaad ka ah, ma NGonge? Ninkii garta laga helo maxaa xaala laka qaadi? Gabdhaha SOL kuwee xaal loo bixiin doonaa? ma AT&T eedadiisa mase Hunguri ina adeertiisa? Hadii AT&T eedadiisa xaal oo qaato yaa lasiinayaa? Ma Jamaal1 mase Koorabuunshe? AT&T hadii gabar uu kuhelo xaal malaku Aamini karaa isaga mase nuune baa iska leh? Su'alaah baa kahoreeya garta shekaadan dhan horta Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted October 7, 2009 Waxay noqon lahaydba Hunguri banaanka ayuu is keenay hadda waxaan ka yaabi in bakoorada ku dhacda uu sanado ka soo kaban kari waayo hunguri ayaan kolkan la jiraa ,,, bal aan aragno hadduu A&T iska dhicin karo ... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Oz Posted October 7, 2009 AT&T won the awards recently but still in jeopardy! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 7, 2009 A&T markaas oo kele wuu dhuuntaa oo todoba cisho lama arko. Hunguri wuu hadlay gartiisiina wuu dhiibtay laakiin bal odaygii A&T ahaa ha la arko halka uu ka fad kudiyo kolayba wuxuu odhan doona waa la ii tashaday oo waa la isugu kay tegeyaa e. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hunguri Posted October 7, 2009 Odaygii, dhul kale ayuu ku war wareegayaa! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ms DD Posted October 7, 2009 Give him time Hunguri. He is constructing a well thought-out structured argument. Patience.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 7, 2009 Haa waan arkay inuu dhul kele meermeerayeee ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ducaysane Posted October 7, 2009 A&T waa in uu gar baxaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted October 7, 2009 Hunguri, gartey. Anigu idin ka dhex baxaye kala gar baxa. PS: Anigu dooda ku ma degdegi ee maslaxada ayaan ku degdegaa. Haddii maslaxo la waayo se, aduunbaa baa ba'ay - taan dhigo ayaa dhaka-faar keeni doonta. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 7, 2009 A&T weli miyuu meeraysanayaa ? Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted October 7, 2009 Gartaan anaa naqayya Ms DD ragi waa shaah. Shaah ina adeer NGONGE please shiishadaadii doono, hana noo imaan adoon dhamaysan Quote Share this post Link to post Share on other sites