Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro:Tuulax oo xalay kormeeray xaafado ka tirsan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay kormeer ku tagay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan meelaha Biyaha roobka fariisteen.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in u kuur galayeen xaaladaha qaar kamid ah xaafadaha magaalada.

“Waxaan ku jirnaa kormeer aan ugu kuur galayno xaaladda iyo saamaynta ay yeesheen roobabkii saacadihii u dambeeyay ka da’ayay magaalada iyadoo uu wali socdo roobkii lana fili karo waaberiga ilaa beri inuu gaaro”. sidaas waxaa yiri gudoomiye Tuulax

“Maamulka gobolka Banaadir waxaa uu u soo jeedi doonaa caawa sidii uu gurmad ugu fidin lahaa haddii uu saameyn ku yeesho shacabka danyarta ah ee ku dhaqan magaalada”.

xalay illaa shalay galab magaalada Muqdisho waxaa ka da’ay roob saacado badan socday kaas oo sababay in dadka danyarta ah qaarkood goobihii ay daganaayeen isaga baxaan ka dib daadad saameeyey.

Halkan hoose ka daawo Sawirro:

76204100_585515525608758_377258264726444 76652267_585515688942075_542450000644066 76710692_585515835608727_264232762640380 76967194_585515675608743_419130517222955 77379895_585515932275384_512838309967088

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this