Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shir ka dhacay Masar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XFS, Mudane; Xasan Xuseen Xaaji iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Qaahira ee Dalka Masar uga qeyb galay kulanka 35-aad ee Golaha Wasiirrada Cadaaladda Jaamacadda Carabta.

Ajandaha shirka ayaa waxaa ka mid ahaa sharciga ka hortagga dembiyada abaabulan, sharciga ka hortagga Argagixisada, sharciga la dagaallanka musuq-maasuqa,cirib tirka Lacag dhaqista , hab-raaca isu socodka qaxootiga iyo Dadka soo galootiga ah, dhibaatooyinka ka ganacsiga Dadka iyo arrimaha la xiriira mideynta sharciyada Dawladaha Jaamacadda Carabta inta suurta-galka ah.

Wasiirka ayaa madasha kulanka Wasiirrada caddaaladda jaamacadda carabta u sharraxay horumarka laga gaaray shuruucdaasi lasoo bandhigay, isagoo sheegay in la geeyay Baarlamaanka Soomaaliya.

Mudane; Xasan Xuseen Xaaji, ayaa xusay in ay halkaasi kulan gaar ah kula yeesheen, xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, isagoo sheegay in ay guddoonsiiyeen shahaado sharaf ku aaddan kaalinta fir-fircoon ee uu ka qaatay arrimaha Soomaaliya.

Wasiirrada caddaaladda jaamacadda carabta ayuu sheegay in ay ku heshiiyeen in ay samaystaan Machad ay wadaagaan waddamada ku bahoobay Ururka, kaas oo lagu diyaarin doono shuruucda u gaarka ah iyo majallo lagu qoro arrimaha Carabta.

Intii uu shirku socday ayaa waxaa Guddoonka kulanka la wareegay Wasiirka Cadaaladda ee Dalka Qadar, waxaana ku wareejiyay xilka meertada ah Wasiirka Cadaaladda Dalka Suudaan iyadoo ay kulankaasina ka maqnayd oo keliya Dowladda Suuriya.

Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha garsoorka ,Xasan Xuseen Xaaji ayaa si weyn usoo dhoweeyay qodobbadii shirka layskula soo qaaday, isagoo bogaadiayay qorshaha Dowlada Jaamacadda carabta ay ku doonayaan in ay wax badan wadaagaan.

RAAGE0.jpg RAAGE4.jpg RAAGE8.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this