Sign in to follow this  
Deeq A.

 Xoghayaha Guud & Af-hayeenka  Xisbiga Waddani Oo Maxkamad La hor keenay

Recommended Posts

Deeq A.   

 Xoghayaha Guud & Af-hayeenka  Xisbiga Waddani Oo Maxkamad La hor keenay

 waddani-2-300x153.jpg

Hiirtii hore ee saaka Axad,24 Novembar  ayaa Xabsiga Mandheera laga soo qaadey Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Cabdi Xuseen & Weliba afhayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun.

Masuuliyiintan ayaa abaaro toddobadii subaxnimo la keenay maxkamadda Hargeysa, waxa aanay baadhayaashu garsooraha ka codsadeen in waqti dheeraad ah loo siiyo ogolaanshiyo xabsi ku sii hayn ah (Rummaan), taas oo ay wararku sheegayaan in garsooruhu u ogolaaday in ay afar maalmood sii hayaan si ay u soo dhammaystiraan baadhista.

7:50 subaxnimo, ayaa maxkamadda laga kaxeeyey masuuliyiintan oo wararka qaar ay sheegayaan in dib loogu celiyey Xabsiga Mandheera.

Ammaanka maxkamadda iyo agagaarkeeda ayaa si aad ah loo adkeeyey, waxaana labada maxbuus la socday ciidamo aad u tiro badan

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this