Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaalaha DF ee aan la iman xildhibaano damiin ka ah ‘oo shaqada weynaya’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii qaraxii is-miidaaminta ahaa lagu dilay Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, lana shaaciyey in qaraxaas ay ka dambeysay gabar agaasime aheyd,  waaxaa dhashay kala shaki badan.

Kala shakigaas ayaa intiisa badan soo kala dhex galay shaqaalaha rayidka ah iyo madaxda hey’adaha dowladda federaalka, waxayna arrintaas sababtay haatan in shaqaalaha dowladda lagu billaabayo baaritaano dib loogu xaqiijinayo inaysan Shabaab ka tirsaneyn. Halkan ka aqri warbixintaas.

Baaritaanka ayaa waxaa qeyb ka ah in qofka shaqaalaha lagu amro inuu keeno xildhibaanka ku matala baarlamanka federaalka, si looga qoro damaanad, sida ay go’aamisay dowladda.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan golaha shacabka Soomaliya ayaa sheegay in arintaan ay tahay mid culeys siyaasaded lagu saarayo xildhibaanada.

“Arintaas damaanada ah waxaan u aragnaa mid lagu xujeynayo xildhibaanada, dowladdu markii ay qoraneysay shaqaalaha anagu uma aanaa geyn iyadaa qoratay, dadka qaarna waxaaba laga yaabaa inaysan laheyn xildhibaan ku matala baarlamaanka, marka qofka aana anigu shaqada geyn ma garanayo waxaa la ii dhahaayo damiino, waxaan u arkaa culeys siyaasadeed oo baarlamaanka la saarayo” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Waxa uu intaas ku daray in shaqalaha qaar aysan damiina karin xildhibaanadu, isla markaana ay dowladda ka dalbanayaan inay si kale u maareyso arrinta shaqaaleheeda.

“Dowladdu hanaga deyso go’aanka ah in xildhibaanku damiinto qof uusan garanayn waxa ka imaan kara, hadeysan dooneyn in meeshaas ceebu ka timaado, si kale ayey u maarey kartaa nidaamka ay u martay qorista ciidamada ayey u mari kartaa oo diiwaan galin casri ah ayey ku samey kartaa yeysan nagu dhibin anaga” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dalxa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this