Deeq A. Posted November 23, 2019 Qoraal kasoo baxay wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ayaa lagu sheegay in la baajiyey muxaadaraddii Sheekh Maxamed Cabdi Umal, oo lagu waday in lagu qabto gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Baaqashada muxaadarada ayaa ku soo aaday ayadoo gudaha magaalada ay ka dhaceen mudaharaadyo ay dhigeen culimada duqu Suufiyada oo ay ku diidanaayeen in magaalada uu Sheekh Maxamed Cabdi Umal uu muxaadaro ku qabto. Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa lagu waday inuu magaalada ku qabto muxaadaro ciwaankeedu ahaa sababaha keena musiibooyinka iyo sida looga hortagi karo. Halkaan ka Akhriso Sababaha loo Baajiyey Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites