Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Madaxweyne Deni oo safar qarsoodiya ugu baxay waddanka Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Sabtiya safar qarsoodiya ugu baxay magaalada Dubai ee xarunta ganacsiga waddanka Imaraatiga Carbeed.

Madaxweynaha oo duhurnimadii maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha caasimadda Garoowe, ayaa sii maraya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, isagoo halkaasi uga sii gudbaya waddanka Imaaraadka Carabta.

Inkastoo xafiiska Warfaafinta madaxtooyada Puntland aysan Saxaafadda la wadaagin safarka madaxweynaha, haddana warar ay heshay Puntland Post ayaa sheegaya in ujeedka safarkiisu yahay, sidii uu mas’uuliyiinta Imaraadka Carabta ugu qancin lahaa, in ay sii wadaan Qandaraaska Shirkadda DPG oo qaabilsan Adeega iyo Saadka ciidanka Badda Puntland ee PMPF.

Shirkadda DPG oo ay ku midaysan yihiin Saamiley Ganacsato Reer Puntland ah, ayaa in ku dhow 10 sano, waxay  dowladda Imaaraadka ka haysatay Qandaraaska Taakuleynta ciidanka Badda Puntland ee PMPF, balse khilaaf ba’an oo soo kala dhex-galay saamileydii ku midaysnaa shirkaddaasi, ayaa kalsooni-darro ku abuuray mas’uuliyiinta UAE oo marar kala duwan ku hanjabay in ay Qandaraaska dhan kala laaban doonaan.

Khilaafka xooggan ee ka dhex-jiray Ganacsatada ku midaysan shirkaddaasi, ayaa sabab u noqday in lixdii bilood ee la soo dhaafay, uu khal-khal ku yimaado hawlihii shirkadda, islamarkaana mas’uuliyiinta Imaaraadku ay hakiyeen Adeegii iyo Saadkii ay u soo marin jireen ciidanka PMPF.

Sidoo kale, ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo ay weheliyaan malayshiya-beeleed hubaysan, ayaa dhowaan qabsaday xaafado ka tirsan magaalada Boosaaso, kadib markii uu saameeyay khilaafka Saamileyda DPG.

Balse, xubno kamid ah Isimada Dhaqanka Puntland, ayaa markii dambe ku guulaystay in ciidankaasi gadooday magaalada laga saaro, kadibna xal dhammaystiran laga gaaro khilaafka Saamileyda DPG oo markii hore sal u ahaa gadoodka.

Ugu dambeyntii, Qaar kamid ah isimada Dhaqanka iyo madaxweyne Deni ayaa la xaqiijiyay in ay soo af-jareen khilaafkii u dhexeeyay Saamileeyda shirkadda DPG, islamarkaana uu madaxweynuhu ballan-qaaday in uu mas’uuliyiinta Imaaraadka ku qancin doono, in ay sii wadaan Qandaraaska DPG ee Taakuleynta ciidanka PMPF.

PUNTLAND POST

The post Xog: Madaxweyne Deni oo safar qarsoodiya ugu baxay waddanka Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this