Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga Imaaraadka Oo Xidhiidh Diblomaasiyeed La Yeelanaya Israa’iil Oo Ku Qasbaysa Inay La Heshiiyaan Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dubai)-Dalalka Khaliijka ayaa in muddo ah wada qorshe ay ku qabanayaan shir weyne caalami ah, oo ay si rasmi ah ugu dhowaaqayaan inay xidhiidh diblomaasiyeed oo rasmi ah la yeelanayaan Israa’iil, waxaa sidaas weriyey warbaahinta Middle East Eye iyo Alkhaleej.

5db8c7753002465a9683df9e4c691909_18.jpg

Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin dhammaan dalalka doonaya inay sidan sameeyaan, haddana waxaa la ogyahay yahay inay hormuud ka yihiin Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, iyo Bahrain.

Saddexdan dal ayaa hadda si hoose oo aan shaacsaneyn ula xidhiidha Yahuudda.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa bilihii ugu dambeeyey ogolaanayey in fallanqeeyayaasha siyaasadeed ee dalkiisa ay si shaacsan u difaacaan Israa’iil.

Xitaa waxay difaacayeen weerarkii ugu dambeeyey ee Israa’iil ay ku qaadday Gaza oo lagu xasuuqa 32 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 8 isku qoys ah.

Hadafka ugu dambeeya ee Bin Salmaan iyo Mohammed bin Zayed Al Nahyan, oo ah dhaxal-sugaha Imaaradda Abu Dhabi ayaa ah in la beddelo ra’yul caamka shacabka Carabta, ka hor ku dhowaaqista go’aanka ay xidhiidhka ula yeelanayaan Israa’iil.

Tani waxay sidoo kale ku qasbi kartaa inay la heshiiyaan Qatar oo muddo laba sanno ah ay ku hayaan xanibaad.

Mohamed bin Salmaan iyo Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa garowsan awoodda warbaahineed ee Qatar iyo taleefishinkeeda Aljazeera oo qorshahooda ka bixin kara argti taban.

Si kastaba, ma cadda haddii Qatar ay sidaas ogolaan doonto, xitaa haddii ay la heshiiyaan. Qatar, Turkey iyo Iran waa saddex ka mid ah dalalka Islaamka ee qadiyadda Falastiiniyiinta ay ka go’an tahay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this