Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar culus ka geystay G/Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledwayne (SMN) – Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in ay weerareen fariisin ay ciidanka Itoobiya ku leeyihiin degaanka Halgan.

Dadka degaanka ee ku sugan tuuladan hoos tagta gobolka Hiiraan ayaa u sheegay Shabelle in ay maqleen daryenka rasaas culus.

Warar lagu baahiyey baraha taageera Al-Shabaab ayaa waxaa lagu shaaciyey in ay khasaaro u geysteen ciidanka Itoobiya balse lagu fahfaahin.

Dhanka kale, ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM oo weerarka kadib bilaabay howlgalo ayaa sheegay in ay ka feejigan yihiin weeraro kale.

Gobolka Hiiraan ayaa waxaa kuwada sugan askar Jabuutiyaan iyo Itoobiyaan isugu jira kuwaasoo weeraro saf-balaaran si joogta ah kala kulmay Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this