Sign in to follow this  
Deeq A.

“Qofka Qaranimada Somaliland Ka Soo Horjeeda Waxa La Marinayaa Shuruucda Dalka U Taalla, Loona Dul-Qaadan Maayo.” Baashe Maxamed Faarax

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in aanay qadiyadda Somaliland waxba ka beddelayn Dhallinyaro iyo siyaasiyiin u safra Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Mudane Baashe-cadde oo ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Xisbiyada Qaranka waxaynu u samaysanay inaynu Qabiilka kaga tagno. Wixii dhexdeena ah waa loo dul-qaadanayaa, laakiin Qaranimada Somaliland, Madax ha ahaado ama Madax-dhaqameed ha noqdo ama Siyaasi ha noqdee qofka Qaranimada Somaliland ka soo horjeeda waxa la marinayaa Shuruucda Dalka u taalla, loona dul-qaadan maayo.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay “Qof dhalinyaro ah iyo Siyaasi Xamar tagaa wuxuu ka beddelayo Somaliland ma jirto, Qaddiyadda Somaliland-na waa lama taabtaan.” ayuu yidhi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this