Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukun dil ah oo lagu ridday C/llaahi Cali Aaden

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday C/llaahi Cali Aadan oo qeyb ka ahaa weerar Sanad ka hor lagu qaaday Xarun uu Magaalada Gaalkacyo ku lahaa Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare.

Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida oo dhegeysiga kiiskan u tagay Magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu riday Cabdullaahi Cali Aadan.

Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada ayaa sheegtay in ninkaasi uu Al-Shabaab kaga biiray Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay, isla markaana uu ka qeyb qaatay weerarro iyo dilal loo geystay Askar ka tirsanayd Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Shacab.

Ninkaan ayaa loo heystaa weerar lagu qaaday 26-kii Bishii 11aad ee sanadkii 2018 Xarun uu Magaalada Gaalkacyo ku lahaa wadaad lagu Magacaabi jiray Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this