Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Ilhaan Cumar Oo Naxariis U Muujisay Nin Dil Ugu Hanjabay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-New York)-Nin hore ugu hanjabay in uu dili doona xildhibaan Ilhaan Cumar oo aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ku matesha Minnesota ayaa lasoo taagay maxkamad ku taallaa Magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Ilhaan-Cumar.png

Ninkan oo lagu magacaabo Patrick Carlenio ayaa hore baraha bulshada usoo dhigay hanjabaad uu u jeediyay Ilhaan, wuxuuna ku dhaartay in uu dili doono Ilhaan Cumar.

Ninkan oo ku nool New York ayaa markii uu hanjabadaas jeediyay waxaa soo xidhay laamaha ammaanka ee Mareykanka, kuwaas oo in muddo ah u waday ku baadhitaan. Patrcik ayaa markii la keenay maxkamadda waxaa xafiiska Ilhaan uu sheegay in uu qirtay dembiga lagu eedeeyay.

Calii Abshir Ciise oo ah agaasime ku xigeenka xafiiska Ilhan Cumar oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in ninkan uu falkan keli ku ahaa, wuxuuna intaa raaciyay in uu ahaa fal isir naceyb ah.

Arrinta dadka badan ka yaabisay ayaa ah in Ilhaan Cumar ay 19-kii bishan warqad u qortay xaakimka maxkamadda, kana codsatay in xukunka uu u khafiifiyo oo aan xukun dheer lagu xukumin Patrick oo ah ninkii ku dhaartay in uu dili doona.

“Waxay codsatay in loo naxariisto oo aan xukun dheer lagu xukumin Patrick, waayo waxaa caddaatay in haddii dembigii uu qirtay uu muteysan karo 10 sano oo xarig ah iyo ganaax badan, marka Ilhaan waxay codsatay in loo naxariisto ninkaas maadaama arrimaha naceybka aysan ku ahayn fikir isaga u gaar ah balse ay tahay arrin guud oo dad badan oo siyaasadda ku jira ama madax ah ay qeyb ku leeyihiin”, ayuu yidhi Cali Abshir oo ah agaasime ku xigeenka xafiiska Ilhan Cumar.

Wuxuu intaa raaciyay in ujeedada arrintan ay tahay in “ninkan la khalday” keligii aanan loo ciqaabin dembiga, maadaam sida uu sheegay ay tahay arrin maamulka jira uu aaminsan yahay oo ay tahay fikir guud oo u baahan in si guud wax looga qabto.

“Arrimaha isir naceybka waayahan dambe aad bay usoo badanayeen, waana arrin isku xidhan balse ninkan hadda keligii umbaa dembiga lagu helay”, ayuu raaciyay.

Ilhaan Cumar oo arrintan kaga hadashay barteeda Twitter-ka ayaa sheegtay in xabsi dheer oo lagu xukumo Patrick ay ka wanaagsan tahay isdhexgal bulsho oo loo sameeyo, hadii la xukumana aanay waxba ka tareynin falkii uu geystay, balse haddii dhaqancelin loo sameeyo ay ka wanaagsan tahay.

“Haddii xabsi lagu xukumo waxay sii kordhineysaa caradii uu qabay iyo xumaantii ku jirtay”, ayay tiri Ilhaan Cumar.

Patrick Carlenio ayaa horaantii sanadkan Ilhaan Cumar ku tilmaamay in ay tahay argagixiso u baahan in la toogto.

Ammaanka Ilhaan Cumar iyo xafiisyadeeda ayuu Cali sheegay in wixii ka dambeeyay hanjabadaas aad loo adkeeyay oo aqalka Kongreska uu oggolaaday in aad loo adkeeyo ammaanka Ilhaan Cumar.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo aad u dhaliisha siyaasadaha Madaxweyne Donald Trump oo aad ugu janjeera dhanka Yuhuuda Mareykanka ayaa waxay muddooyinkii dambe weerar afka ah iyo hanjabaado kala kulmeesay dad badan oo aan la dhacsaneyn siyaasadaheeda.

Hasayeeshee in isla qofkii ugu hanjabay in uu dili doono iyada ay u codsato in xukunka laga khafiifiyo ayay dad badan la yaabeen, waxaase aan la ogeyn in maxkamadda ay aqbali doonta codsiga Ilhaan iyo inkale.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this