Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydka dad la garowcay oo lagu arkay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Warar ka  laga helayo Deegaanka Muuri oo u dhaw Degmadda Afgooye ee  Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Saaka Dadku ay ku Waa Bariisteen Arin Fajac iyo Argagax ku abuurtay kadib markii Halkaasi lagu arkay Labo Nin oo qudha loo dheereeyay ama Qoorta laga Jaray Meydadkooda.

Xaalad Cabsi ah ayaa durba dadka soo foodsaartay.

Warar Illo ku sugan halkaasi ay soo Wariyeen ayaa sheegaya in Labadaasi Ruux mid Gaari lagala Dagay Midna meesha la keenay Halkaasina isku mar lagu bireeyay.

Ilaa iyo Hada lama oga Cida Sidaas samaysay oo Ragaan nolasha u qoonsatay Waxaa kale oo aan la ogayn Cid alaale iyo cid ay yihiin Marxuumiiinta Maydadkooda la helay.

Deegaanka Muuro oo Afgooye u dhaw inta badan Alshabaab ayaa weeraro kusoo qaada iyo isla degmada Afgooye.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this