gooni Posted November 21, 2019 Guri Alle Masaajid waa guri ilaahay lagu caabudo. Waxaa lagu galaa gudihiisa, aamusnaan waana lagu qashuucaa, laguma buuqo, lagumana sheekaysto. Waxaa lagu iloobaa aduunyo iyo waxa dhex yaal, waxaana lagu xasuustaa aakhiro iyo xisaabta dambe. (اللهم احسن خاتمتنا) Hadaba walaalaheen soomaaliyeed haday ku heshiin waayeen guri alle loo dhisay dhexdiis, dal ma ku heshiin karaan aragtidiina? Maxaa isku dhex daray ragga iyo dumarka meel cibaado loogu talo galay? Dumarka tii qolkeeda jiifka ku tukata waa ka ajar badan tahay tan masaajidka aada. Sheekh soomali ah, oo alle dartiis u ilmaynaya, way adagtahay inuu sidoo kale naga oohiyo, sababtoo ah wuxuu la ooyay nama fahamsiin karo. Qabiil walbaa masaajid u gaara ha dhisto baa yurub noogasoo socota sida muuqata. Gudaha somaaliyana jameecadu way ka hor salaama naqsadaan imaamka kala dambayn ma leh. Waxaan u baahanahay in diinta iyo ku dhaqankeeda dib naloo baro xaqiiqdii waa aafo qaran. Mid baan waydiiyay hadda ka hor khudbo jumcadu maxay ku saabsanayd gudaha soomaaliya? Wuxuu iigu jawaabay ma aqaan carabi buu akhriyay waana na tujiyay. Culimadeenu waxay u haystaan in carabi lagu qudbeeyo inay waajib tahay, ama markay salaadda tukadaan ka dib oo dadku daalo bay qaarkood fasiraan hadiiba uu qudhiisu garanayo waxa ku qornaa waraqaduu akhriyay. Quote Share this post Link to post Share on other sites