Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo dhalinyaro jaamiciyiin ah u tababaraysa saraakiil ciidan

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15742471264994210.jpg?w=1000&ssl=

Madaxweynaha Somalilan Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta deegaanka Darar-weyne ee duleedka magaalada Hargeysa ka daah-furay mashruuc lagu tababarayo dufcaddii ugu horraysay ee loo carbinayo inay noqdaan saraakiil ciidan oo wiilal iyo gabdho Jaamiciyiin ah ka kooban.

Madaxweynaha Somaliland waxaa munaasabadaas kala qaybgalay taliyayaasha kala duwan ee ciidamada Booliska, Militeriga, Badda iyo Asluubta, wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, waxayna laga jeediyeen hadallo lagu dhiirrigelinayo saraakiisha da’da yaryar ee la filayo inay halkaas kasoo aflaxaan.

Qaar kamid ah saraakiisha dhinaca tababarrada u qaabilsan ciidamada Somaliland iyo saraakiisha madaxda ka ah kulliyada tababarka oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dedaalka ay hoggaan ahaan u galeen in la hirgeliyo mashruuc lagu carbinayo da’yarta jaamacadaha kasoo baxday ee loo carbinayo sarkaalnimada, waxaana ay shaaciyeen inay diyaariyeen dhammaanba qaybihii kala duwanaa ee waxbarashada ee dhallinyaradaasi u baahan yihiin iyo macallimiintii laylin lahayd saraakiishaas da’ da yar.

Taliyaha ciidamada militeriga Somaliland, Gen. Nuux Ismaaciil Taani, ayaa nasiib iyo hoodo gaar ah ku tilmaamay in saraakiisha cusubi dalkooda dhexdiisa ku helaan dhammaanba qaybihii kala duwanaa ee waxbarashada, sida dugsigii Hoose, kii dhexe, kii sare, Jaamacaddii iyo kulliyaddii tababarka saraakiisha, waxaana uu dhallinyarada kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan tababarka ay nasiibka u heleen, una dhabar adaygaan sidii ay u dhammaysan lahaayeen.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhallinyarada cusub ee loo carbinayo saraakiisha u jeediyey khudbad la xidhiidha hawlaha sugaya, muhiimadda iyo karaamada ku jirta inuu qofku kamid noqdo ciidamada kala duwan ee dal.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey in saraakiisha cusub ee loo carbinayo saraakiilnimada ay haystaan jidkii Somaliland lagu ilaalin lahaa, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxaad bilaabaysaan jidka ah aniga naftaydu waa inay ilaalisaa dalka iyo danihiisa oo ay khatar walba u badheedhaa qof aan taas yeelinina garaaddona ma qaato askarina ma noqdo oo waa is yeel yeel uun.”

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo dhalinyaro jaamiciyiin ah u tababaraysa saraakiil ciidan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this