Deeq A. Posted November 20, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeelayanaya gudaha magaalada Muqdisho. Kulanka oo ah mid ballaaran oo qeyb ka ah Kalfadhiga lixaad ayaa waxaa xildhibaanada labada aqal ay uga arrinsan doonaan qodobo muhiim ah Ajandayaasha kulankan ayaa waxaa ka mid ah akhrinta 1-aad ee Miisaaniyadda dowladda sanadka soo socda ee 2020-ka oo ay dood adag ka yeelan doonaan labada dhinac. Sidoo kale xildhibaanada labada gole ayaa lagu lagu wargaliyay in ajandayaasha kulanka wadajirka ah ee maanta uu qeyb ka yahay xisaab xirka miisaaniyadda 2018-kii. Wararka ayaa intaasi ku daraya in goluhu ay warbixin guud ka dhageysan doonaan guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, taas oo la xariirta safarkii uu dhowaan ku tegay magaalada Addis Ababa ee Caasilmada dalka Itoobiya Waa kulankii ugu horreeyey oo ay si wadajir ah u yeelanayaan xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka, tan iyo markii la xaliyey khilaafkii xooganaa ee u dhexeeyey. Share this post Link to post Share on other sites