Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta Oo Qabsaday Doomo U Socday Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Berbera)-Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa gacanta ku dhigay doomo u socday magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, kaas oo ay leedahay dowladda Koofurta Kuuriya.

20170314122111.jpg

Saddex doon oo ku sii jeeday maagalada Berbera ayaa ciidamada Xuutiyiinta ka qabteen xeebaha dalka Yeman meel 15km u jirta.

Waxaa ay ka koobanyihiin 16 qof oo laba ka mid ah ay u dhasheen dalka Koofurta Kuuriya halka inta kale aan la sheegin waddamada ay ka soo jeedaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Koofurta Kuuriya ayaa xaqiijisay in muwaaddiniinteeda ay badqabaan islamarkaana ku jiraan gacanta kooxaha Xuutiyiinta ah.

Doomaha ayaa ka baxay gobolka Jizaan ee dalka Sucuudi Carabiya, lamana sheegin waxa saraan hayeeshee waxaa ay u gacan galeen ciidamada Xuutiyiinta ee ka dagaallama dalka Yeman.

Maxamed Cali Al Xuuti oo la hadlay Reuters ayaa sheegay in doomaha ay ku xadgudbeen biyaha dalka Yeman, lana geeyay magaalada Xudeyda.

Waxaa uu sidoo kale Maxamed sheegay in ay gacanta ku dhigeen doon ka diiwaangashan dalka Sucuudiga hayeeshee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this