Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudanayaasha Golaha Wakiilada Puntland oo maanta ansixinaya Miisaaniyadda dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudanayaasha Golaha  Wakiilada dowladda Puntland, ayaa lagu wadaa in ay Talaadada maanta ah ansixiyaan, odoroska Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020-ka.

Odoroska Miisaaniyadda 2020-ka oo dhan $ 346,416,158.99 malyan oo Dollar, ayaa waxaa  shalay ansixiyay Golaha Wasiirada Puntland, kadib markii ay soo gudbisay wasaaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Cabdi oo faahfaahin ka bixiyay Miisaaniyadda dowladda ee 2020-ka, ayaa sheegay in lagu saleeyey baahiyaha as’aasiga ah  iyo sida ay u kala mudan yihiin, iyadoo lagu xisaabtamayo dakhliga lasoo xarayn karo iyo caawimaada la heli karo.

Miisaaniyadan oo ah tii ugu badneyd ee ay soo gudbiso wasaaradda Maaliyadda Puntland, waxa  ka dhex muuqda lacago loo qoondeeyay hawlaha horumarinta sida dhisamaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dayactirka wadada Garowe-Laascaanood iyo wadada Garowe -Bosaaso, sidoo kale waxaa kamida dhismayaasha ceelal biyoodyo, horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo sugidda  Amniga.

PUNTLAND POST

The post Mudanayaasha Golaha Wakiilada Puntland oo maanta ansixinaya Miisaaniyadda dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this