Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay oroska Miisaaniyadda 2020-ka

Recommended Posts

Deeq A.   
2-32.jpg?w=1000&ssl=1Golaha ayaa cod gacan-taaga ku ansixiyay odoroska Miisaaniyada

Golaha Wasiirada Puntland ayaa caawa oo Isniin ah ansixiyay oroska Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020-ka.

Oroska Miisaaniyadda 2020-ka oo dhan $ 346,416,158.99 malyan oo Dollar, ayaa waxaa Golaha u gudbisay wasaaaradda Maaliyadda dowladda Puntland.

Kulanka Gollaha Wasiirada waxaa shir gudoomiyay madaxweyne, Saciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo  madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan iyo xubnaha Wasiirada.

Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Cabdi oo faahfaahin ka bixiyay oroska Miisaaniyadda 2020-ka, ayaa sheegay lagu saleeyey baahiyaha as’aasiga ah  iyo sida ay u kala mudan yihiin iyadoo lagu xisaabtamaayo dakhliga lasoo xarayn karo iyo caawimaad la heli karo.

Odoroska Miisaaniyada 2020-ka, waxaa  ka dhex muuqda lacago la sheegay in loo qoondeeyay hawlaha horumarinta sida dhisamaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dayactirka wadada Garowe-Laascaanood iyo wadada Garowe -Bosaaso, sidoo kale waxaa kamida dhismayaasha ceelal biyoodyo, horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo kor u qaadista Amniga.

PUNTLAND POST

The post Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay oroska Miisaaniyadda 2020-ka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this