Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Saaxil Oo La Xidhay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa goor-dhawayd xabsiga u taxaabtay Gudoomiyaha xisbiga WADDANI ee Gobolka Saaxil Sheekh Saleebaan Siciid Cali.

IMG_404585-44F981-DEDDAB-99021C-5E2DA0-1


Guddoomiye Saleebaan Siciid iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga WADDANI ayaa maanta kulan warbaahineed ku qabtay magaalada Berbera waxaanay taageerayaasha xisbiga WADDANI ugu baaqeen inay maalinta barri ah iska soo xaadiriyaan xarunta xisbigooda.


Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ay laamaha amniga iyo xukuumadda ka soo saartay xadhiga mas’uulkan, balse waxa Somalilandtoday u xaqiijiyay xadhiga mas’uul sare oo ka tirsan xisbiga WADDANI.


Waa mas’uulkii saddexaad ee ka tirsan xisbiga KULMIYE ee ay xukuumadda xabsiga u taxaabto 24 saacadood ee ugu dambeeyay, waxaana xalay la xidhay illaa haddana xidhan xoghayihii guud ee afhayeenkii guud ee xisbiga iyada maantaba loo dhaaciyay xabsiga Mandheera.


Wixii warar ee ka soo kordha kala soco Somalilandtoday.Com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this