Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan xisbiga Wadani oo lagu xiray Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa sheegaya in xalay xubno ka tirsan xusbiga Wadani lagu xiray gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaraadka ee Wadani, Cabdiraxmaan  oo ka hadlay xariggaasi ayaa cambaareeyey, wuxuuna ugu baaqay xukuumadda Biixi inay sii deyso xubnahaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in cadaadiska lagu hayo shacabka iyo siyaasiyiinta Somaliland uu gaaray meeshii ugu sarreysay, taasina ka hor imaaneyso Dastuurka maamulkaasi.

Dhinaca kale taliyaha ciidanka Booliska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadi ayaa ka digay in maanta taageerayaasha xisbiga Wadani ay dibadbax ka dhigaan magaalada Hargeysa.

Taliyaha ayaa sheegay in wixii mas’uuliyad darro ah ee ka yimaada banaanbaxaasi ay qaadi doonaan hoggaanka xisbiga Waddani ee Somaliland.

Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona laga cabsi qabo inay isku dhacaan Booliska iyo dibadbaxayaasha.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this