Deeq A. Posted November 17, 2019 (SLT-Hargeysa)-Wararka hadda na soo gaadhaya ayaa sheegay inay Ciidanka Booliska magaalada Hargeysa ay xabsiga dhigeen Afhayeenkii Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun oo isagu saacado ka hor war-baahinta kula haddlay Guriga Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI. Xadhiga Afhayeenka Xisbiga WADDANI ayaa waxa noo xaqiijiyey qaar kamid ah masuuliyiinta Xisbiga WADDANI, waxaanay sheegaan in ciidanku Boolisku ay xabsiga u taxabeen afhayeen Barkhad Jaamac Afhayeenka Xisbiga WADDANI ayaa ka hore intii aan la xidhin war-baahinta la hadlay isagoo sheegay in aanay waxba iska bedelin baaqii Guddoomiye Cirro ee ahaa in berri taageerayaashiisu isugu yimaaddaan xarunta xisbiga,Waxa kale oo uu sheegay in xarunta xisbiga ay yimaaddeen ciidamo ka dhan ah qorshaha xisbiga ee berri. Si kastaba ahaatee waxa goordhaweyd ay ciidanka boolisku xabsiga u taxabeen afhayeenkii xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun, kaasi oo hadda ku xidhan xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa Source Share this post Link to post Share on other sites