Sign in to follow this  
Deeq A.

K/Galbeed oo boggaadisay howlgallada maamulkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxamed Abuukar Cabdi wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowlahaha hoose ee Koonfur Galbeed ayaa ka warbixiyey howlgallada ka socda deegaanada maamulkaasi.

Wasiirka oo la hadlay Shabelle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey howlgallada waddo furista ee ay haatan ciidamada huwanta ay ka wadaan gobollada Sh/Hoose, Baay iyo Bakool.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka shaqeyn doonaan sidii isbedal dhab ah loogu sameyn lahaa amniga deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) uu ku dhawaaqay howlgallo cusub oo waddo furis ah, kadib socdaal uu ku tegay magaalada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/cod-Mcabdiqani-salad-.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this