Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Oo Shaaciyay In Madaxweyne Biixi U Soo Gudbiyay Warqadda Muddo Kordhin + Wakhtiga Muddo Kordhinta Oo Uu Cayimay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa daboolka ka qaaday in madaxweyne Biixi u soo gudbiyay warqadda muddo kordhin loo samaynayo Golaha Wakiillada Somaliland.

Saleebaan.png

Waxa uu sheegay in loo xilsaaray guddi qiimaysa muddada loogu dari karo xilka Golaha wakiillada, islamarkaana waxa loo ballamay Maalinta Isniinta oo la filayo in wakhtiga ay guddidu soo jeediso loo kordhiyo Golaha Wakiillada.


Golaha Wakiillada waxa la doortay 2005 muddo shan sanno ah oo ku eekayd 2010 laakiin, ilaa hadda waxa ay xilka ku fadhiyaan muddo kordhino isdaba joog ah oo ay u sameeyaan Guurtida oo iyaga laftoodu isu kordhiya maaddaama markasta muddo xileedkoodou ku eeg yahay sanad kadib marka doorashada Wakiilladu dhacdo.


Goleyaasha degaanka ayaa sidoo kale wakhtigu ku dhammaaday waxaanay ku shaqeeyaan iyada oo aan wax muddo kordhin ah loo samayn.


Ilaa hadda lama qiyaasi karo wakhtiga doorasho ku dhici karto maaddaama khilaaf culus ka taaggan yahay arrimaha doorashooyinka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this