Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Mukhtaar Roobow oo ka fal-celiyey warbixintii kasoo baxday guddiga QM

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimadda Online) – Xisbiga Amni iyo Cadaalad ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ku qabtay kulan lagu dalbanayay in uu Cadaalad helo Hogaamiyaha Xisbiga Shiekh Mukhtaar Roobow Cali, iyo dadkii lagu Xasuuqay Baydhabo.

Dhanka kale kulanka ayaa lagu soo dhaweeyay warbixintii Qaramada Midooobey ee  baaristii Xasuuqii ka dhacay Magaalada Baydhabo 13-Dec-2018.

Warbixin ay soo saareen khubaro Qaramada Midoobey waxaa lagu sheegay in Villa Somalia ay laaluush ku bixisay in ka badan nus Milyan Dollar si ay u soo saarto murashaxiinta ay taageerto doorasho ka dhacday Koonfur Galbeed bishii December ee sanadkii hore.

Qoraalka kasoo baxay todobaadkan waxaa lagu xusay in doorashada Koonfur Galabed ay saameeyeen qalalaaso iyo laaluush lagu iibsaday xildhibaannada

Maanta oo Khamiis ah waxaa magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay lagu qabtay kulan ujeedkiisu ahaa taageerista warbixintaan iyo sidii  xoriyadiisa  u heli lahaa Sheikh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo u xiran Dowladda Federaalka Somalia.

Waxaa lagu sheegay kulankaan in marnaba la iloowi doonin  sida ay  warka u dhigeen xubnihii isugu    yimid kulankan dadkii lagu dillay magaalada  Baydhabo ee Gobolka Baay,  walina ay magaalada ka jirto caburin .

Si kastaba kulankan oo uu soo abaabulay xisbiga  Amni iyo Cadaalad ayaa lagu dalbay in  Dowladda Federaalka xoriyadiisa ay u soo  celiso Hogaamiyaha Xisbigaas.

Halkaan ka akhriso War murtiyeed kasoo baxay Xisbiga

Page1-1.jpg

030357d2-11ef-4e8e-86c6-f97e04fb5f9c.jpg b8832b2d-eaa0-4c6b-b202-60bf7738838e.jpg 925c9fb8-0c2c-4120-afe1-424af1acae46.jpg f023bd9e-9ae1-4897-8c1b-0e17bf6c7035.jpg 62ba8df4-7e03-40d1-bd2c-c549c16f6376.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this