Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey Boosaaso iyo madaxweyne Deni oo qaaday tallaabo kasii dari karta xiisadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Xaaladda magaaladda Boosaaso ayaa shalay ilaa saaka degan kadib markii arbacadii ay ciidamo ka tirsanaa daraawiishta Puntland iyo ciidamo beeleed wada socda ay si xoog ah gudaha ugu galeen magaalada.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in maamulka Puntland ay ciidamo iyo tikniko fara badan ku daabulayaan gudaha magaalada Boosaaso waxaana jira taxadar badan oo dadweynuhu ka muujinayaan dagaal dhaca.

Ilo-wareedyo ku sugan magaalada ayaa Caasimada Online u sheegay in go’aanka xukuumadda Saciid Deni ay ciidamo dheeri ah ugu soo daabuleyso magaalada uu horseedi karo dagaal dib uga qarxa.

Dagaalkii arbacadii ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa ahaa mid la saadaalinayay maalmaahaan oo dhan sababo la xiriira tallaabada ay qaaday xukuumadda Deni oo ay kula wareegeyso shirkadda PDG.

PDG waa shirkad illaa muddo dheer soo shaqeenaysay, waxaa leh ganacsato reer Bari ah uu ugu tun weynyahay ninka ka danbeeyay abaabulka ciidamada soo galay Boosaaso oo loogu yeero Bashiir C/llaahi Saalax Deer.

Shirkadda ayaa ciidamada PMPF-ta ee Imaaraadka taageerto u qaabilsanyihiin wixii loogistika ah, halkaas oo ay macaash fiican ganacsatadaasi ugu jirtay ka hor inta aysan isku dhicin saaxiibbadii markii hore ku shirkoobay.

Dhinaca kale, waxaa magaalada ka socda olole nabadeed oo ay wadaan culimada iyo waxgaradka kale ee ku dhaqan si xal looga gaaro xiisadda.

Culimada, isimada iyo nabadoonnada gobolka Bari ayaa sheegay inay wadaan dadaal nabadeed oo ay doonayaan in xal laga gaaro wax walba oo nabadgelyo xumo keeni karo.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this