Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Fahad Yaasiin iyo Sheekh Shariif oo kulan yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Sida aan xogta ku helnay kulankan ayaa ka dhacay hoyga uu Xamay ka degan yahay Sheekh Shariif, oo taliyaha NISA uu ugu tagay, waxaana uu soo dhamaaday abaare 2-dii subaxnimo ee jimcaha maanta curdunka ah.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa kulanka looga hadlay xiisaddii dhowaanahan ka dhex taagneyd dowladda iyo Shariifka taasi oo xoogeysatay toddobaadkan markii madaxweynihii hore lagu xanibay garoonka Muqdisho isaga oo kusii jeeda magaalada Beledweyne.

Xubno xog ogaal u ahaa kulanka ayaa ku qeexay “mid xaalad qaboojin ah” oo lagu dimanayey xiisadda, xalna looga gaarayey wixii dhacay.

Waxaa la isku soo qaaday in xal laga gaaro waxyaabihii dhacay islamarkaana la xaqiijiyo inaysan dib u dhicin.

Wararka aan kulanka ka helnaya ayaa sheegaya inuu ku dhammaaday is-faham la iskuna afgartay in ay dhacaan kulamo kale oo dheeri ah, oo lagu xaqiijinayo in xaaladdan si buxuda loogu gudbo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this