Deeq A. Posted November 14, 2019 Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa maanta waxaa ka dhacday doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, kadib markii bishan 7-deedii ay xildhibaannada Puntland eryeen guddoomiyahoodii C/xakiin Dhoobo Daareed. Doorashada maanta ayaa ka dhacday xarunta baarlamaanka Puntland, waxaana ku tartamay Saddex musharrax, kuwaasi oo kala ah: 1- Xildhibaan C/rashiid Yuusuf Jibriil 2- Xildhibaan Cali Axmed Saalax 3- Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed Musharraxiinta kala ah Xildhibaan C/rashiid Yuusuf Jibriil oo 34 cod helay iyo Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo isna helay 17 cod ayaa usoo gudbay wareegga Labaad. Ugu dambeyn, xildhibaannada Puntland ayaa guddoomiye u doortay Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo helay 46 Cod halka Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed uu helay 17 Cod. Guddoomiye Jibriil waxaa horyaalla shaqooyin aad u badan, isaga oo maalmaha soo aaddan la filayo in xilka si rasmi ah uu ula wareeggo. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites