Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka G/Banaadir oo baaq u diray shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa wuxuu baaq u diray shacabka ku nool magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Ibraahim Cumar Mahad Alle, gudoomiye ku xigeenka Maaliyada, ayaa ku waaniyey dadweynaha in ay la shaqeeyaan laamah aammaanka.

Mr Ibraahim Dheere ayaa hoosta ka xariiqay in maamul ahaan ka go’an tahay sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatooyinka amniga.

Gobolka Banaadir ayuu xusay in uu ku dedaali doono sidii loo xoojin lahaa kaalinta dadweynaha ka cayaaraan nabad-gelyadda.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xili shalay maamulku soo bandhigay laba ruux kuwaas oo lagu eedeeyay falal liddi ku ah xasiloonida.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Amni.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this