Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Boosaso ka qarxay, Khasaaraha ka dhashay & Ciidamo gudaha magaalada galay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal Boosaso ka qarxay, Khasaaraha ka dhashay & Ciidamo gudaha magaalada galay.

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in uu joogsaday dagaal ka dhacay Kontoroolka magaaladaas iyo agagaarkiisa, kaas oo dhexmaray ciidamo hubeysan oo katirsan kuwa ammaanka ee Puntland iyo isla ciidan kale oo kayimi magaalada Carmo ee gobalka Barri.

Dagaalka ayaa ku bilowday sida ay wararku sheegayaan markii ay ciidamada socodka ku jiray la kulmeen gaadiid dagaal oo ay Dawlada Puntland leedahay, kuwaas oo ay is rasaaseyn dhexmartay.

Iska horimaadkaas ayaa sababay dhaawac 2 askari, sidda ay sheegayaan warar ka madax banaan labada dhinac ee dagaalamay.

Saraakiisha ammaanka ee Booliska gobalka Barri waxay diideen in ay faahfaahin ka bixiyaan dhacdadan, waxaana ay sheegeen in ay dib ka hadli doonaan arrimahan oo ay ka jawaab bixin doonaan.

Ciidamadii ka tagay magaalada Carmo ayaa galay gudaha magaalada Boosaaso, waxayna wataan ku dhawaad 10 baabuurta dagaalka ah, iyadoo ay wararku sheegayaan in ay tagayaan xarunta shirkada lagu magacaabo PDG.

Isku dhaca labada dhinac ka sokow, wada hadalo ay garwadeen ka ahaayen Odayaasha dhaqanka oo xalay lafilayay in ay dhexmaraan Madaxweynaha Puntland & Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil ayaa baaqday.

2-2.jpg?resize=678%2C509&ssl=1dabely.jpg?resize=678%2C509&ssl=1

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this