Sign in to follow this  
Deeq A.

Africom oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday Jilib

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa war ka soo saaray duqeyn saacadihii la soo dhaafay ay diyaaradahoodu ka fuliyeen agagaarka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Warka ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Ma shaacin Africom magaca sarkaalkaasi, balse waxa ay sheegtay in weerarkaasi ay ka qeyb qaateen ciidamada Soomaaliya.

Sidoo kale warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in duqeynta aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ku noo halkaasi.

Mareykanka ayaa sanadkan 2019-ka kordhiyey duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this