Sign in to follow this  
Deeq A.

XF oo horumarineyso Safaaradda Faransiiska

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa booqday Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Farasniiska oo ku taalla xaafadaha ugu

Mudane ; Khayre ayaa halkaasi kula kulmay ku simaha Safiirka iyo diplamaasiyiinta kale ee la shaqaysa , wuxuuna ka dhageystay warbixnta guud oo ku saabsan baahiyaha ay qabaan howl-wadeennadu.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa  ballan qaaday in Dowladdu ay dayactir ku samaynayso xurunta Safaaradda iyo Hoyga Safiirka uu deggen yahay.

Ku simaha Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Faransiiska, Axmed Shire, ayaa sheegay in ay isaga iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa dhismaha iyo dayactirka Safaaradda.

Danjire; Shire ayaa sheegay in uu Ra’iisul Wasaaruhu u ballan qaaday in ay dayactirka iyo dib u hagaajinta Safaaradda uu kala shaqeyn doona, isla maraakaana ay howshu billaaban doonto Sanadkan soo socda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan waxa ay dhisme safaaradeed ka iibsatay Dalka Mareykanka, waxaana qorshuhu yahay in la horumariyo dhismooyinka Safaaradaha Dalalka Caalamka aynu ku leennahay.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

vlcsnap-2019-11-13-00h53m17s812 KH-1 R4 vlcsnap-2019-11-13-00h50m46s983 vlcsnap-2019-11-13-00h50m55s034 vlcsnap-2019-11-13-00h51m09s524 vlcsnap-2019-11-13-00h51m13s662

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this