Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye iyo ku xigeenkiisa oo lagu dilay Sh/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho lagu dilay guddoomiyaha deegaanka Cadayga iyo ku xigeenkiisa oo xalau duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe.

Toogashada oo ay fuliyeen rag hubeysan oo afka soo duubtay ayaa waxaa loo geystay, Cabdullaahi  Xasan Xaaji oo ahaa guddoomiyaha deegaankaasi iyo ku xigeenkiisa oo lagu magacaabi jiray, Cilmi Qooje Xasan.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey dhacdadaasi oo uu ku eedeeyey inay ka dambeeyeen dagaalyahannada Al-Shabaab.

Ma jiro illaa illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad iyo kan gobolka Shabeelaha Dhexe oo ku aadan dilka mas’uuliyiintaasi.

Al-Shabaab ayaa marar badan weeraro dhaba gal ah oo lagu dilay masu’uuliyiin ka tirsanaa HirShabelle ka fulisay waddada Balcad iyo Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this