Deeq A. Posted November 12, 2019 Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa magaalada Nairobi kula kulmay dhigiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta. Labada Madaxweyne ayaa waxaa arrimaha ay ka wada hadleen ka mid ah xiriirka Soomaaliya iyo Kenya. Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday iskaashiga dhinaca amniga, gaar ahaan dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab. Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Nairobi u aaday ka qeyb galka shir ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay oo maanta ka furmaya halkaasi. Kulankan ayaase ku soo aadaya, iyadoo weli ay taagan tahay xiisadii ka dhalatay kiiska Badda ee ay dacwaddiisu ka furan tahay maxkamadda cadaalada adduunka ee ICJ. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites