Abwaan Posted April 3, 2008 check here: http://news.bbc.co.uk/1/hi/world/middle_east/7325790.stm Tartankaan geela oo Soomaalidu qayb weyn ka geli lahayd xitaa waan ka harnay, xaaladda murugsan ee dalka ka jirta owgeed. Ciil badanaa...toloow geelii Soomaaliya laga soo bililiqaystay maku jiraa oo malla soo bandhigi doonaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Geel_jire Posted April 3, 2008 ^ sxb Geela somalida mid tartan qurux ka qayb geli karo maho .......... waa kuwa loo isticmaalo rar oo dhul abaareed ku nool oo sidii dacay loogu jiidayay faruur la moodo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Laba-X Posted April 3, 2008 Originally posted by Geel_jire: ^ sxb Geela somalida mid tartan qurux ka qayb geli karo maho .......... waa kuwa loo isticmaalo rar oo dhul abaareed ku nool oo sidii dacay loogu jiidayay faruur la moodo. Geel Jire, ra'yigaagu uma qalmo magacaaga. Sicirka ugu qwaalisan inuu yahay ma ogid miyaa Geeleenu? War carabtu geelooda way fuulaan, annagaaba sharafnayoo rarana keliya weliba baarku cirka gaarey. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faarax-Brawn Posted April 3, 2008 Originally posted by Laba_Xiniinyood: quote:Originally posted by Geel_jire: ^ sxb Geela somalida mid tartan qurux ka qayb geli karo maho .......... waa kuwa loo isticmaalo rar oo dhul abaareed ku nool oo sidii dacay loogu jiidayay faruur la moodo. Geel Jire, ra'yigaagu uma qalmo magacaaga. Sicirka ugu qwaalisan inuu yahay ma ogid miyaa Geeleenu? War carabtu geelooda way fuulaan, annagaaba sharafnayoo rarana keliya weliba baarku cirka gaarey. Afkaaga,dhakal caano geel ah lagu qabi. Abtigiis,usheeg Geela yaga,tartan ma galo waa runtaa,ileen quruxdiisa wax gaaro maleh...Xaax,waan jidhahdhacoday speaking of geel iyo quruxdiisa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Geel_jire Posted April 4, 2008 LX and FB ........... faanka badan caan baan ku nahay maah-maah ayaan idin ku soo xasuustay Habar weliba xaarka ay dhasho ayay xaayoow tidhaa marka hada waa anaga dhexdeena ... aniga hada geela somalia dhowr sano ayaan moogahay intaan ka arkayna sida dameer ka daran ayaa loo rartaa ..... anagu geela xamuul ayuu noo yahay oo reero dhan ayaa ku dhisan nimankaad sheegayso ee xoolahooda fuulo kolay way u roonyihiin oo way dhaqaalaystaan ...... kolay xoolo qurux lagu sheego ma soo arag ! on a more serious note currently abaarta taagan walaahi it is hard to imagine... people are actually fighting over wells.... whole families are migrating to wherever they can find water it is especially dire in the central regions ilaahay ha fududeeyo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted April 4, 2008 Geeljire, gaaladii dagaalada ka bacdi aragtaa u maleynaa, oo kistoo nafaqada ku yar maadaama dadkiiba liito, geel sheekadiisa intee taalaa. Kuwii pre-civil war inaa aragtid fiicneyd, though, kuwaas si ee u qumanayeen, tartanka wey gali kareen. Take a look at this "hottie" [or is it a hunk] -- certainly a beauty competition wuu/wey gali karaa/kartaa. See waaye, even indhakuul u marsanee. Quote Share this post Link to post Share on other sites
winnie Posted April 4, 2008 thats a good looking camel, i dont care what anyone says. *cues music* "youre just too good to be truuuee cant take my eyes off of you-ou" Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted April 4, 2008 Carab iyo sheekadeed, ma tanay keneen hadana! Quote Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted April 4, 2008 They've been doing this for years. Not just the UAE but also the entire Gulf States (and parts of Jordan, Syria and Egypt). Even though there are different categories, they usually judge the beauty of the camel in relation to its face, cheeks and neck. Quote Share this post Link to post Share on other sites
cynical lady Posted April 4, 2008 Camel that into bondage classic lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fabregas Posted April 4, 2008 Geeli baa fakan wayey xita! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Laba-X Posted April 4, 2008 Loooool Urban iyo Ngonge, war Geela hanooga ciyaarina, weligiin ha dhaqanina e. Faarax-B - Waa gartii hadde, Good iyo Soohan baanu dhaqan, caanohoodana waanu dhamin. G-Jireow, Waa kan Geeleenu. Kan Carabtee madmadow oo casiirka ka dhergey miyaa dhaama? Sinji adag haddii aanu lahayn, sool ma dhacarteene Soomaalida habeeddiyo kolkay, suuddu ku ekaato Sanqaraar udgoonow haddii, salowgu kuu yeero Soddon mayl markuu kuu jiraad, saxansaxootaaye Sabaad iyo wuxuu kuu noqdaa, cadarka Soodaane Sacabbada nadiifka ah kolkii, lagu salaaxaayo Samsam baa ka soo duula iyo, caano saa'id ahe Sucsuc iyo karuur iyo dhanaan, sabarka kuu buuxsha Sulux dhay ah iyo xoor ku siman, Seenyoy adigaa leh Lama siisan karo xoolo kale, sidigta Dhaameele Waxba yaan surweel midab leh iyo, saacad lay xirane Sicirka dunida geeleenu waa, ugu sarreeyaaye Soomaaligii diidayow, waad silloon tahaye! Waa muruq adoonlow ritiga, madaxa waaweyne Murjinse lagama yeelin ee cididan, laysku wada maaray Mudka iyo sakaarka iska baxay, maylinada hooray Malkada lawga kuruskan mudha ah, maydhaq iyo duudka Margiga taagan luqunta kolkuu, maagga fidinaayo Isha madow dibnaha loo melmelay, dhegaha loo miiqay Melmasaalka loo uumay ayaan, magane yaabayaaye Moohaarse ma qaadeen cagtoon, mar u balaadhnayne Intaas oo macnuu leeyahay, ood maanta caasidaye Mar hadaanad daar iyo lahayn doonni iyo Moodhar Oo dheef Ilaah kuugu daray waxan dareeraaya Waa kuu dan li'i raacisteed waxad ku diiddaaye! Magaca Geel-Jire ah maanta ka dib waa in lagaa wareejiyaa bey ila tahay! Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted April 4, 2008 LooL UAE vs Howdka :cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites