Sign in to follow this  
Deeq A.

Lafta Gareen oo howlgal cusub uga dhawaaqay Waajid

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Waajid gobolka Bakool ee K/Soomaaliya.

Lafta Gareen oo la hadlayey dadweynaha ku dhaqan degmadaasi ayaa ku dhawaaqay howlgallo cusub oo waddo furis ah.

“Runtii howlgallada waa ay bilaaban doonaan oo ciidamadu waa ay u diyaar garoobeen,waxaana idiin sheegayaa Reer Waajid  safarkeena xiga ee aan Waajid ku imaaneyno Jidka ayaan kusoo safri doonaa kuna laaban doonaa ayuu yiri” Madaxweynihu.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu la kulmo maamula Waajid iyo saraakiisha ammaanka ee degmadaasi.

MadaxweyneLafta Gareen ayaa maalmihii dambe booqasho ku bixinayey deegaanada K/ Galbeed, waxaana  socdaalkiisii ugu dambeeyey uu ku tegay degmada Bardaale.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Lafta Gareen Gareen 4-5 3-25

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this