Sign in to follow this  
Deeq A.

Yuusuf Garaad oo hal arrin uga digay SHEEKH SHARIIF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisada Madaxweynayaashii hore iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay in khalkhal gelinta loo geystay safarka Madaxweynayaashii hore, Sheekh Shariif Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud uu saameyn karay badqabkooda, wuxuuna ku tilmaamay mid fuduul ah oo aan la qaadan karin.

Sidoo kale wuxuu ka digay isku day kasta oo uga sii dari kara xaaladda ammaan ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, kadib markii shalay, Sheekh Shariif uu sheegay in uu Muqdisho ka saari doono dowladda, haddii aysan ka waantoobin waxa ay wado.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo sii hadlayey ayaa dowladda ka dalbaday inay joojiso waxa u muuqda daandaasiga, sida uu hadalka u dhigay.

“Khalkhal gelinta safarka Madaxweynayaashii hore, oo xataa bedqabkooda saameyn karay, waa faduul aan la qaadan karin. Waanse ka digayaa isku day kasta oo amniga caasimadda uga sii dari kara. Dowladduna waa in ay ka qaangaarto waxa hadda u muuqda daandaansiga.” wasiirkii hore ee arrimaha dibada Yuusuf Garaad Cumar.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay sii xoogeysatay xiisada siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda iyo madaxdii hore, taas oo ka dhalatay kadib socdaal ay shalay Madaxweynayaashii hore ku tageen degmada Beledweyne oo la sheegay in dowladdu ay isku dayday inay is hortaagto wafdigaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this