Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Madaxweyne Farmaajo oo Cumar Filish u sheegay in Khadiija tahay lama taabtaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay xog dheeraad ah oo ku saabsan kulan todobaadkii hore dhaxmaray guddoomiyaha maamulka gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish oo hadda ku sugan dalka Koonfur Afrika iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulankaas ayaa ku saabsanaa wadashaqeynta gobalka Banaadir iyo Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya oo ay hogaamiso Khadiijo Maxamed Diiriye.

Mid kamid ah agaasimiyaasha gobalka Banaadir oo ka tirsan kooxdii la socotay Cumar Filish ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu si cad ugu sheegay in Cumar Filish miisaanka ay wasiir Khadiija ku dhex-leedahay dowladda.

“Cumar Filish ma taqaanaa wasiir Khadiijo? Waa halbowlaha Nabad iyo Nolal la shaqeey mar dambane yeysan isoo gaarin cabashadeeda” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida ay noo sheegeen qaar kamid ah dadkii la socday guddoomiyaha gobalka Banaadir.

“Madaxweynaha markii uu intaas dhahay waa ka dhaqaajiyay isagoo aan dhageysan jawaabta guddoomiyaha sidoo kalane aan ka wareysan xaaladda kale” ayuu hadalkiisa sii raaciyay masuulka aan la hadalnay.

Khadiija iyo Cumar Filish ayaa isku qabtay cayaaraha gobolka Banaadir oo wasaaradda ay dooneyso inay kaalin ku yeelato, halka Filish uu ku dooday in wixii heer gobol ah aysan wasaaradda shaqo ku lahayn.

Si kastaba Khadiija ayaa rumeysan in haddii banaanka laga dhigo cayaaraha gobolka ay taas macnaheedu tahay inaysan jiri doonin wax ay qabato wasaaradda, maadaama Muqdisho ay tahay magaalada kaliya ee ay ka howl-gasho. Waa taas sababta keenta inay korontada ka dansato garoonka Injineer Yariisow, xilli ay dhici rabtay cayaarta finalka degmooyinka gobolka Banaadir.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in uu dhamaaday khilaafka labada dhinac, oo Flish uu tanasulay, islamarkaana dhawaan la qaban doono Ciyaartii baaqatay 24-kii bishii hore ee u dhaxeysay degmooyinka Dharkeynlay iyo Waabari ee gobalka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this