Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga fatahaadaha oo war cusub soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga gurmadka fatahaadaha ee uu horay u magacaabay R/wasaaraha Soomaaliya ayaa weli wada gurmadka loo fidinayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka jira dalka.

Xubnaha guddiga oo aan ka mid aheyn shaqaalaha dowladda ee maanta la fasaxay ayaa sheegay in sidii loogu talagalay ay ku socdaan howlaha gurmadka.

Sidoo kale waxa ay shaaciyeen in saacadaha soo socda laba diyaaradood oo gargaar sida ay u diri doonaan degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Fatahaada wabiyada Shabelle iyo Jubba ayaa saameyn daran ku yeelatay qoysas badan, kadib markii ay daadad ku dhufteen xaafadihii ay deegaansanayeen.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this