Deeq A. Posted November 9, 2019 Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in xiisad siyaasadeed oo ka dhalataya xilka qaadistii guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed ay weli ka taagan tahay magaaladaasi. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland oo xalay kulan ku yeeshay Garoowe ayaa ka digay sii socoshada xiisadaasi. Qaar ka mid ah xildhibaanada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay la kulmi doonaan guddoomiyahoodii hore, islamarkaana ay kala hadli doonaan, sidii loo dajin lahaa xiisadan, una aqbali lahaa xil ka qaadista lagu sameeyey. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in guddoomiyuhu uu saga tagay magaalada Garoowe, islamarkaana uu gaaray qeybo ka mid ah gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Arrintan ayaa timid, kadib markii Khamiistii la soo dhaafay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntand ay kalsoonidii kala noqdeen guddoomiye Dhoobo Daareed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites