Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudaharaad ballaaran oo looga horjeedo Mustaf Cagjar oo ka dhacay gobolka Doollo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dibad-baxyo looga horjeedo madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustaf Muxumed Cumar Cagjar ayaa maalmihii la soo dhaafay ka socday degaanno kala duwan oo ka tirsan dowlad degaanka.

Bannaan-baxyada ayaa looga cabanayaa cabburin la sheegay in maamulka Mustaf Cagjar uu ku hayo shacabka dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaanna dad kala duwan oo ra’yigooda iyo hadallo ay sheegeen dartood loogu xiray magaalada Jigjiga.

Mudaharaadkii u dambeeyay ayaa sida la sheegayo manta ka socda degmada Yucub oo ka tirsan gobolka Doollo ee dowlad degaanka Soomaalida kaasi oo looga cabayo mid kamid ah oda-dhaqameedka degaanka Tulli-Guuleed oo shalay lagu xiray magaalada Jigjiga kadib markii uu su’aal kulul weydiiyay madaxweyne Cagjar.

Odayga oo magaciisa lagu sheegay Muxiyadiin Xaaji Abiib ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida uu weydiiyay su’aal la xiriirta  dhibaatada baahsan iyo bara-kicinta joogtada ah ee lagu hayo bulshada ku dhaqan  degaanka Tulli-guuleed.

Degaanka Tulli-Guuleed ayaa waxaa marar kala duwan weerarro culus iyo xasuuq ka gaystay malayshiyaad ka tirsan Qowmiyadda Oromada oo in badan ka laayay bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi deggan iyadoo aysan arrintaasi waxba ka qaban xukuumadda Cagjar.

PUNTLAND POST

The post Mudaharaad ballaaran oo looga horjeedo Mustaf Cagjar oo ka dhacay gobolka Doollo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this