Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Mukhaar Roobow oo banaanbax lagu dalbanayo cadaalad ka dhigay Baydhabo + Sawiro

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo  (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed Maanta ka dhacay kulan weyn oo loogu duceenayey dadkii lagu xasuuqay Magaalada Baydhabo xilligii Doorashada Maamulkaas ee la xiray Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Boqolaal Qof ayaa isugu imaaday barxad ku taal Magaalada Baydhabo, waxaana halkaas lagu qabtay kulan duco ah iyadoo la qalay 5 Neef oo Geel.

Kulanka oo uu soo qaban qaabiyey Xisbiga Amni iyo Cadaalad oo uu guddoomiye u yahay  Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo hadda u xiran Dowladda ayaa lagu dalbaday inay cadaalad helaan qoyskii laga dilay dadkii ka banaanbaxayey xariga Roobow ee lagu laayey Magaalada Baydhabo.

Dadka isku soo baxay ayaa watay boorar ay ku qornaayeen ereyo loogu duceenayey dadkii Baydhabo lagu dilay, sidoo kalana waxay ku baaqayeen in lasoo daayo Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaan ah ayaa 13 December sanadkii 2018 waxay Magaalada Baydhabo ku laayeen dad farabadan oo banaanbax dhigayey kuwaas oo kasoo horjeeday xariga Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa musharixiintii ugu cadcadaa doorashadii ka dhacday Magaalada Baydhabo oo ay afduubatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

8c7990c8-ba9e-4f05-b11f-37ca94e51c73.jpg 061ac86d-8355-4a62-a749-0a5ae3f4115e.jpg 6fdbf3ff-af8e-46d9-b2da-a4022e1d55d5.jpg

2d43e961-d442-4afc-84c9-1ef3c1218dce.jpg

e7072cd2-b777-4ade-8aed-adb454ed6399.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this