Deeq A. Posted November 8, 2019 Gaalkacyo (SMN) – Dadweynaha waqoyga magaaladda Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug, ayaa maanta dhigay banaanbax aad u balaaran kaasoo cabasho ah. Mudaaharadayaasha ayaa ka codsaday mas’uuliyiinta dowladda federaalka iyo kuwa Puntland in ay ka shaqeeyaan sii deynta Soomaali ku xiran waddanka Cumaan. Muwaadiniintaas ayaa lagu eedeeyay burcad-badeednimo, wallow qoyskooda ay gaashaanka ku dhufteen sheegashooyinkaas. Dibadbaxayaasha ayaa waydiistay dowladda iyo maamul goboleedkaas in ay dedaal badan ku bixiyaan sidii xorriyadooda u heli lahaayeen wiilashaas. Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey waxay ugu guuleystay in ay xabsiyadda caalamka kasoo dayso Soomaali badan oo dambiyo aysan lahayn dusha loo saarey. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Banaanbax.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites