Deeq A. Posted November 8, 2019 Jabuuti (SMN) – Xoghayihii urur goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu, ayaa si rasmi ah wuxuu ula wareegay xilkaas kadib munaasabad lagu qabtay Jabuuti. Gebeyehu ayaa 22-kii October ee sanadkan ayaa waxaa magacaabay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed. Mas’uulkan cusub oo farxad ka muujiyey magacaabida ayaa bedelay Maxbuub Macalin oo u dhashay waddanka Kenya. Workneh Gebeyehu ayaa horey u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo Agaasinka xafiiska UN-ka ee magaaladda Muqdisho. Xil la wareegitaanka ayaa kusoo aadey xili dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti ay horey uga soo horjeesteen magacaabidda Gebeyehu. Xukuumadda Muqdisho iyo Jabuuti ayaa nan wali ka hadlin talaabaddan, wallow ay horey uga dhawaajiyeen in ay doonayaan isbedel. IGAD oo ka shaqeeya iskaashiga dalalka ee ganacsiga, amniga, siyaasadda iyo nabadda ayaa dhidibada loo taagey 1986-dii. Soomaaliya oo aas-aaseyaasha kamida wali xil sarre kama qaban abid. View the full article Share this post Link to post Share on other sites