Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad ka dhalatay dil ka dhacay degmada Kaxda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Kaxda ee magaaladda Muqdisho.

Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhimatay markii dabley ay rasaas ooda uga qaadey meel maqaaxi ah oo ku taala degmadaas.

Kooxaha hubeysan ee falkaas sameeyay ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen meesha ay wax ka dhaceen oo ciidanka ammaanka gaareen.

Wararka ayaa sheegaya in falalkaan ay salka ku hayaan annooyin qabiil, waxaana socota dedaalo la doonayo in lagu qaboojiyo xiisaddaas.

Qof kamid ah dadka degaanka oo la hadlay idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey qaabka ay wax u dhaceen iyo xaaladda sidda ay tahay hadda.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Degmada-Kaxda.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this