Deeq A. Posted November 7, 2019 Garowe (SMN) – Guddoonka baarlamaanka Puntland ayaa guddi u magacaabay doorashadda gudoomiyaha cusub ee Golaha Wakiiladda. Guddiga qabaqaabadda oo ka kooban todoba xubnood ayaa diyaarin doono coddeynta oo loo muddeeyay Khamiista soo aadan. Doorashadda cusub ayaa ka dambeysay markii xilka laga qaaday gudoomiyihii Aqalka Wakiiladda, Cabdixakiim Dhooba Daareed. Xilka ka xayuubinta Dhooba Daareed oo ku timid mooshin ayaa la sheegay in ay gedaal ka riixeyso xukuumadda madaxweyne Deni. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Puntland.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites