Sign in to follow this  
RedSea

Somalis in Thailand neglected.

Recommended Posts

RedSea   

Qaxoonti Soomaaliyeed Oo Ku Dhibaateysan Wadanka Thailand Markii Ugu Horeysay Mudaharaad Sameeyey.

 

 

 

South Africa(HWN):-80 qof oo isugu jira rag iyo haween Soomaaliyeed oo qaxoonti ahaan ugu nool Wadanka Thailand ee Bangkok ayaa mudaharaad balaadhan oo ay kaga cabanayaan inaan waxba loo qaban ka dhigay Wadankaasi.

 

Dadkan qaxoontiga ah ayaa ka cabanayey inaan la siinin Guryo ay degaan iyo Sidoo kale & Caafimaad Darro Soo foodsaartay oo aan waxba laga qaban, iyo In hadh iyo jeer xabsi lagu gurro qaxootigan, iyaga oo badanaaba aan helin Wax sharci ah ama sharciga wadan ku jooga ah marka uu ka dhacsanyahey, kadin Cabashadaasi waxay hay'adda UNHCR iyo JRC, si wadda jir ah uu sheegeen in laga caawin doono Dhibta ay sheegeen qaxoontiga Soomaaliyeed inay haysato.

 

Hadaba Qaxootigan ayaa shabakada Wararka ee hadhwanaagnews Media u xaqiijiyey, dhibaatadan haysata dadka soomaalida ah. Mid ka mid ah Qaxootigan oo lagu magaacabo Mohamed Nuur oo arrintaa sharaxaad ka bixiyey ayaa waxa uu yidhi “Hay'addaha ka dhisan guud ahaan wadankan waxay qiil ka dhiganayaan in aanayshuqul ku laheen wax African ah, Islamarkaana ay Qaabilaan oo kaliya qaxootiga ka yimadda qaradda Asia”

 

Sidoo Kale Hay'adahan waxay ku dhawaqeen in soomaalida ku soo baddaneysa guud ahaan wadankan in ay ugu danbeyso inta hadda ku sugan wadanka.

Hadalkan ka soo yeedhay haya’adaha ayaa waxa uu ka cadheysiiyey Soomaali badan ku nool halkaasi.

 

Si kastaba ha ahaatee Waddankan Oo ah waddan Aad u horumarey, Islamarkaana maciishadiisu qaali tahay, siddee soomaali qaxooti ah Ugu nolaan Karaan wadankaasi?

 

Haddaba soomaalida oo ah dad aad rayid ugu ah marka loo eego qaxootiga kale, Inta ugu baddan maaha kuwo dibadda wax looga soo dirro waxaana mushahar siin jirrey waa Hay'addo. Inkasta oo ay siiyaan Qaxootiga lacag ka yar inta ay ku noolaan karaan. Ma jirraan Hay'addo Caalami ah oo kale oo wax u qabta Somalidda aan ka aheyn hay'aadda UNHCR iyo JRC oo ah labaduba kuwo ka shaqeeya gudaha dalkaasii..

 

Wadanka Bangkok waa xarrunta ugu weyn Ee qaxootiga laga Maamulo guud ahaan Qaarada Asia, Waxaana ku nool Qaxoonti Aad u fara badan kana kala yimid waddamadda kala ah Cambodia, Laos, Sri-Langa, Bangladesh & India, Wallow ey jirraan Africa-an baddan sidda wadamadda Liberia, South Africa, Somalia, sir Leon iyo waddamo kale Oo Qaradda Africa ah.

 

Reporter Hassan YeeY

Hadhwanaagnews.com/Office

South Africa-Johannesburg;

Emil; yeey18@hotmail.com

-------------------------------------------------

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this