Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal khasaaro ka dhashay dagaal ka dhacay Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dagaal salka ku haya xiisad siyaasadeed oo ka dhacay Garowe, caasimadda Puntland.

Iska hor-imaadka ayaa ka dhacay gudaha xarunta baarlamaanka, halkaas oo cutubyo kamid ah ciidanka ay isku xabadeeyeen.

Taliska Booliska ayaa sheegay in gudoomiyaha baarlamaanka uu geeyay dhismaha maleyshiyaad isaga daacad u ah.

Dhankiisa, afhayeenka Golaha Wakiiladda Puntland, Dhooba Daareed, oo beeniyay ayaa Madaxtooyadda ku eedeeyay shaqaadadii dhacday.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaase la dareemayaa saan-saan colaadeed oo ka dhalatay dagaalkii xalay.

Xiisaddan ayaa imaaneysa xili la sheegayo in uu jiro Mooshin xilka ka qaadis ah oo laga gudbiyey  Cabdixakiim Dhooba Daareed.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Dhooba-Daareed.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this